Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha dabakh casri ah oo Bangiga Iftin uu ka furtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Munaasabada xarig jarista ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Gobalka Mudug,Maamulka Degmada Gaalkacyo,Maamulka Bangiga Iftin,Ganacsato,Odayaal,Haween iyo Dhalinyaro.
Maamulaha Bangiga Iftin ee Gobalka Mudug, Burhaan Axmed Nuur oo munaasabada ka hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay u jeedka dhismaha Iftin ee Magaalada Gaalkacyo iyo waxyaabaha ay qaban doonto.
”Gurigaan wuxuu ka mid yahay guryo laga dhisay Puntland,Iftin Group na ay ugu talagashay iney kaga shaqayso qeybo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iftin Financial services,Iftin Bank iyo Iftin Remittance”, ayuu yiri Burhaan Axmed Nuur.
C/xakiin Axmed Xaashi oo ka mid ah boorka aasaasayaasha Shirkada ayaa sheegay iney Xawaalada ka gudbeen oo Bangi u gudboon,isagoo xusay iney soo kordhinayaan adeegyo kala duwan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan.
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa soo dhaweeyay dhismaha Bangiga Iftin uu ka furtay Magaalada Gaalkacyo,isagoo xusay in Bulshada Gobalka Mudug ay aad ugu baahnaayeen.